Somali-land oo Ka Jawaabtay Hadal Kasoo Yeeray Madaxweyne Farmaajo

0

Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku sheegay in dawladiisu ku daba-joogto sidii ay u heli lahayd xog dhammaystiran oo ku saabsan heshiiska saldhiga Berbera ee Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in bilowgiisu ka horeeyay dawladiisa

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa digniin u diray Madaxda Somaliya, waxaanu wasiirka oo u waramay sheegay

“Halkani waa Somaliland, ee Madaxweynaha Somaliya iyo Madaxda Somaliya waxaan uga digayaa inay faraha kala baxaan arimahayga oo aanay ku mashquulin, Madaxweyne walba oo Somaliya yimaada dhaqan bay u noqotay inuu ka hadlo ama ku mashquulo arimaha Somaliland, ee waxaan leeyahay Madaxweynaha, Barlamaanka iyo Madaxda Somaliya ha ku mashquulina oo wakhtigu yaanu idinkaga lumin dal iyo dad aydaan u talin, go’aana aydaan ka gaadhi karin, ee hawlihiina dayacan ee u baahan inaad wax ka qabataan ka qabta”.

“Somaliland waa dal madax banaan, waa dal leh Madaxweyne la doortay, waxaana ka Madaxweynaha Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Somaliland waa dal leh Baarlamaan la soo doortay, oo Shacabku soo doortay, Saldhiga Milatari ee Berberana nidaamkii saxda ahaa ayuu maray, oo Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada ayaa si wada jir ah u ansixiyey, una meel mariyey, ee qoraal Barlamaan Somaliya ah iyo talo la weydiiyo cid kale oo Somaliya ah waxba Somaliland kama qaadayan, ee Somaliland waa dal dhisan, oo xasiloon, oo nidaamkeeda dawladnimo u dhisan tahay ee Madaxda Somaliya waxaan leeyahay dantiina raaca”.ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arimaha Guddaha Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon).

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here