Ciidamada Puntland oo Burburiyay Saldhigyo ay Lahaayeen Kooxda Daacish

0

Ciidamada PSF Maamulka Puntland ayaa howlgal ka sameeyay saldhigyo ay ay ku sugnaayeen Dagaalyahanada Kooxda Daacish-ta kuwaasi oo ku yaala  Buuralayda Galgala.

Saraakiil ka tirsan ciidanka PSF, ayaa sheegay inay hawlgalka ka sameeyen laba Saldhig oo Daacish ay lahaayen, isla markaana ay dileen 12 Xubnood oo ka tirsanaa Kooxda Daacish.

Saldhigyada ay hawlgalka ka sameeyen ayay sheegeen inay ku yaalaan deegaanada Madarshoon iyo Diindigle ee Buuralayda Galgala ee Gobolka Bari.

Hawlgalo ayaa ciidanku ay ka wadaan Buuralayda Galgala, waana hawlgalkii 2-aad ee ciidanka PSF ay ku beegsanayaan saldhigyo ay Daacish ku lahaayen Buuraha Galgala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here