Madaxweyne Farmaajo oo Furaya Kalfadhiga Baarlamaanka Soomaliya

0

Waxaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa In uu furmo Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka 10-aad kadib markuu uu soo idlaaday fasaxii ay ku maqnaayeen Guddoonka Golaha shacabka baarlamaanka Soomaliya iyo Xildhibaanada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhawaan  dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib fasax uu dibadda ugu maqnaa muddooyinkii u dambeeyay wuxuuna safari uu ku tagay dalalka Kenya, Sacuudiga, Canada iyo Turkiga.

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa  maanta Furaya Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamanka 10-aad ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya sida uu qabo dastuurka dalka Soomaliya u yaala.

Arrimaha Ku cusub kalfadhiga 2-aad ee Baarlamanka 10-aad Baarlamanka Soomaliya ayaa ah arinta Mooshinka ay qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamanka Soomaliya ay ka wadaan Xukuumadda uu Hogaamiyo Raisulwasaare Xasan Cali kheyre oo  lasoo dhigay Bishii Marso ee sanadkaan 2017-ka.

Dad badan ayaa aaminsan in maalmaha soo socda ay Duufaanta siyaasada Soomaaliya oo hada degan inay mar kaliya kici doonto, waxaana jira cabsi iyo dareen Xukuumadda ka qabto guux ka dhex jira Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here