Gaari Lasoo Jiirsiiyey Saddex Ruux Oo Kaxda Lagu Qabtay

0

Sida Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ay wararka ku heleyso waxaa Ciidamada Amaanka ee Degmada Kaxda ee Gobalka Banaadir ay gacanta ku dhigeyn Gaari nuuca Raaxada ah oo la sheegay in lasoo jiirsiiyey ila iyo 3 ruux.

Garigaan ayaa gacanta lagu dhigay xili uu maraayey waaxda Fiasco ee Degmada Kaxda iyadoo la sheegay in uu soo jiiray 2 wiil iyo haweeney uur leheed kadib markii uu xakameyn waayey wadihii waday gaarigaasi.

Saddexda ruux ee uu jiiray ayaa wararka waxa ay intaasi ku darayaan in wiil kamid ah wiilsaha labbada ah ee uu jiiray gaarigaan la qabtay uu dhintay sida uu inoo xaqiijiyey Goob Jooge ku sugnaa halkay wax ka dhaceyn.

Ilaa iyo hadda faah faahin lagama bixin wadaha gaarigaan dadka jiiray iyadoo uu isku dayey in uu halkaa ka baxsado balse  Ciidamada amaanka ay ku guuleysteyn in ay qabtaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here