Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay Jahwareerka u dhaxeeya Ganacsatada Soomaliyeed iyo Shacabka ee ku aadan isticmaalka Lacagta Shilling Soomaliga ah oo haatan aan laga isticmaalin qaar kamid ah Gobolada Dhexe.
Kheyre oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay ka warqabto dhibaatooyinka ka taagan Gobolada dalka Soomaliya ee ku aadan isticaamlka Shilling Soomaliga madama Ganacsatada ay sheegeen in lacagaas ay yihin kuwa been abuur ah islamarkaana ay door bideen isticmaalka lacagta dollar-ka taasi oo ay ka hor yimaadeen shacabka.
“Waa Dhibaatooyin Soo jireen ah muranka isticmaalka Lacagta Shilling Soomaliga ah,waxaa loo baahan yahay in laga fiirsado Tilaabooyinka ay qaadaynayno, Talaabooyinka ugu horeeya ee aan qaadi doono waa ugu horeeya in si wanaagsan loo maareeyo waxa hadda ina soo galo uu suuqa ku kula soconayo,in aan ka fikirno in la sameeyo dhaqaalo u adeega shacabka Soomaliyeed,sidoo kale waxaa wadnaan hab aan isugu yeereyno quburo caalami ah oo Soomali ay ku jirto si ay u baaraan arrimahaas, dowladda Soomaliya uma dulqaadan doonto In lacago been abuur ah lagu dhibaateeyo shacabka Soomaliyeed”, ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya.
Sidoo kale Raisulwasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaliyeed iyo shirkadaha ka howlgala dalka in ay bixiyaan lacagaha canshuurta si dalka uu isuga filnaado.

