Madaxweyne Farmaajo oo Safar Ku Tagaya Magaalada Garoowe

0

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maalamaha soo socda Safar ku tagaya magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland iyo deegaanada kale ee maamulkaas hoos-yimaada, iyadoo booqashadan qeyb ka tahay safaro uu ku kala bixinayo xarumaha maamul goboleedyada.

Puntland waxaa haatan ku sugan Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Juxa ayaa safar ku maraya deegaanada Puntland, isagoo sheegay in safarkiisa uu gogol xaar u yahay booqasho la filayo in Madaxweynaha uu maalmaha soo socda ku tago.

Cabdi Faarax Juxa  Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya ayaa Socdaalo ku TagayMagaalooyinka  Gaalkacyo, Garowe, Qardho iyo deegaanada kale ee Maamulka Puntland ka tirsan, wuxuuna haatan ku sugan yahay magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Markuuu dhawaan gaaray magaalada Garoowe ayuu sheegay in shacabka iyo Maamulkana ay u diyaar Garoobaan soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo).

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay booqasho ugu tagay xarumaha maamul goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo safarkii ugu dambeeyay uu ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo habeen uu ku hoyday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here