Shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, ayaa dhowaan si rasmi ah u bilaabaysa howlaha balaarinta Dekeda magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in lacag dhan Toban Milyan oo Doolar ay shirkadu soo gaarsiiyay Puntland, Lacagta ayaa wuxuu sheegay in 5 Milyan oo ka mid ah lagu bannayn doono Waddooyinkagala Dekeda, halka laba Milyan iyo bar lagu kaabay dhismaha garoonka Garowe, waxaa sido kale Hal Milyan lagu kaabay dhismaha Wadada isku xirta Ceeldaahir iyo Ceerigaabo.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax, ayaa sheegay in balantu ay ahayd in muddo Sagaashan cisho ah ay shirkaddu ka shaqo bilowdo Dekeda, balse uu waqtigu kuso beegmay Bil Ramadaan, wuxuuna xusay in sida balantu ay tahay ay shaqada Dekedu bilaaban doonto bishan ama bilowga bisha soo socota.
Waxaa ku baxaya dhismaha Wajiga 1-aad ee balaarinta Dekeda magaaalda Boosaaso lacag dhan 200 oo Milyan doo doolar, waxaana loo dhisi doona si casri ah.

