Shirka Madaxda iyo Dowladaha ee Midowga Afrika oo Addis Ababa Ka Furmaya

0

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethopia waxaa maanta ka furmaya shirka caadiga ah ee Madaxda iyo dowladaha ee Midowga Afrika.
shirkaan waxaa soomaliya markii labaad u matalaya Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali kheyre, kadib markii uu ka baaqsaday madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Shirkan caadiga ah ee Madaxda iyo dowladaha ee Midowga Afrika ayaa mid ka mid ah shirarka Ururka Midowga Afrika, waana shirka labaad ee ururka uu yeesho sanad walba, marka laga soo tago shirka guud ee Madaxweynayaasha ee sanadlaha ah.

Madax kala duwan ayaa shirkaan ka qeyb galaysa shirkaan sida Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynayaasha Kenya, Rwanda oo shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethopia.

Shir caadiga 29aad ee Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlayaa qodobo kala duwan, sida dib u habeynta ururka, qarashka uu ku shaqeynayo iyo arrimo kale oo quseeya dalalka Afrika.

Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo oo markii labaad ka baaqday socdaalkiisa dalka Ethopia ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay dhaliilo dhanka safarada ah, tan iyo markii xilka loo doortay, waxaana uu dalka ka safray illaa 11 jeer muddo boqol maalmood.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here