David Concar Safiirka dowladda Britain ee Soomaaliya oo wareysi gaar ah siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa ka hadlay mowqifka Britain ee Maamulka Soomaaliland.
Isagoo ka hadlayay Mowqifka Maamulka Soomaaliland iyo gooni isku taageeda ayuu sheegay Safiirka in UK David Concar iyo aduunka intiisa kale Soomaaliland marnaba u aqoosaneyn dal madaxbanaan oo xor ah.
‘’Sida aad og-tihiin ma aqoonsanin dalal badan oo kalana uma aqoonsana Soomaaliland dal xor ah oo madaxbanaan, laakiinse waan la dhacsannahay, waanan taageersannahay, Annaga oo sameyn doonna wax kasta oo horay u marinaya wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland’’ ayuu yiri safiirka.
Sidoo kale David Concar Safiirka dowladda Britain ee Soomaaliya waxaa uu sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay in Soomaaliland la yeelato xiriir wax dhisaya gaar ahaan arimaha quseeya waxbarashada, caafimaadka, sirdoonka iyo wixii la mid ah.
Ugu dambeyntii Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa siweyn ugu amaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka muuqda oo ay ka sameysay sida uu hadalka u dhigay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo amniga.

