Xabad joojin la kala dhaxdhigay meeleeshiyo beeleedka ku dagaalamay Magaalada Beledweyne + Sawiro

0

Wararka haatan Naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xabad joojin la kala dhaxdhigay beelo maalmihii dambe ku dagaalamayay Magaalada beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,

Odoyaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta, Maamulka Gobolka Hiiraan, Maamulka Magaalada Beledweyne iyo taliska amisom ee Magaalada Beledweyne ayaa ku guuleystay in xabad joojin la kala dhaxdhigo maleeshiyo beeleedka ku dagaalamay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan,

Dhanka kale Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo ah Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in lagu guuleystay xabad joojin la kala dhex dhigay maleeshiyaadka labada beelood.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan, waxa uu Hadalkiisa ku daray in aan wali la kala qaadin ciidamada maleeshiyo beeleedka maalmihii dambe ku dagaalamayay Gudaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Maamulka Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Labada Maleeshiyo beeleed cidii ku xadgudubta Xabad joojinta y in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

cd25d3ba c9b59c7f 449c2fdb 28ca3892

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here