QM oo Ilaalinta Badda Soomaaliya Ku Wareejisay Shirkad Caalami ah

0

Hay’adda ilaalinta xeebaha iyo badaha ee loo saagaabiyo SRT ayaa sheegtay in ay ku guuleesatay heshiis ay la gashay dowlada Federalka ee Soomaaliya kaa oo ku aadan ilaalinta biyaha iyo xeebaha Soomaaliya.

Shirkadan SRT ayaa isticmaali doonto aalado lagu xiriiro iyo Settelite si looga hortago maraakiibta sida sharci darrada ah ugu kaluumeesto biya Soomaaliya iyo kooxaha burcad badeeda ee afduubka u geesta maraakiibta ganacsi ee isticmaala biyaha Soomaaliya.

Mashruucan ayaa ah mid ay  taageerayaan hay’adda ladagaalanka burcad badeeda si loo taageero dowladaha maraakiibtooda dagaalka looga soo horjeedo kooxaha burcad badeeda looga hortago.

Nidaamkan Cusub ayaa ah mid kor u qaadaya nabad galyada biyaha Soomaaliya iyo la dagaalanka howlaha ay wadaan kooxaha burcad badeeda iyadoo dhanka kale laga hortagayo doomaha Soomaaliya ka sameeya kaluumeesiga  sharci darrada iyo maareynta doomaha sita aqoonsiga u fasaxaya in la kaluumeesato.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here