Booliiska magaalada Tromso ee dalka Norway ayaa xabsiga dhigay nin Ajnabi ah kaasoo dukaan ku yaalla magaalada ka xaday makiinnadda gar xiirta taasoo qiimaheeda lagu qiyaasay 8,000-Nok, lacagta dalkaas laga isticmaalo.
Booliiska ayaa bartooda twitter-ka kusoo qoray in dhacdadaasi ay xalay ka dhacday gudaha magalada Tromso, islamarkaana ay xog aad u wanaagsan ka heleen dadweynaha sidaasna lagu qabtay tuuggii falkaasi geystay oo ay ku tilmaameen inuu ahaa ajnabi.
Waxaa la sheegay in tuugnimadaas uu sameeyay uu ku muteysan karo 15-sano ah.

