Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda.
Madaxweynaha ayaa dhageystay talooyinka iyo cabashooyinka jaaliyadda, wuxuuna dhankiisa uga xog warramay xaaladaha uu dalka ku suganyahay iyo baahida loo qabo in jaaliyadaha dibadda ay kaalin mug leh ka qaataan dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.




