War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay Mas’uuliyadda Qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.
War laga baahiyay idaacadda Andalus ayaa lagu sheegay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay Ruux naftiis hure ah uu gudaha ugalay xarunta degmada Wadajir oo xilligaasi ay ku shirayeen mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha Dowladda waa sida hadalka ay u dhigeen Al-shabaab.
Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in qaraxa ay la heshay bartilmaameed gaar ah oo hadaf u ahaa,waxayna sheegeen in qaraxa lagu dhaawacay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada wadajir Cumar C/laahi Xasan.
Inta la xaqiijiyay 15-ruux oo shacab iyo Ciidamo isugu jira ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay meel aan sidaas ugu fogeyn xarunta Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir, xiliga uu qaraxa dhacayay ayaa la xaqiijiyay in xarunta la bixiyay kaarka Cuntada lagu qaato.

