Wareegto kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa xilkii looga qaaday Wasiirkii Maaliyadda Maxamed Maxamuud Cabdulle, kaasoo xilkan hayay tan iyo horaantii sanadkan.
Xil ka qaadista uu Sameeyay madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Osoble ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay qorshayaasha uu Maamulka Hirshabeelle ku doonayo inuu ku yeelanayo ilo dhaqaale.
Xilka Cusub ee wasaaradda Maaliyadda Dowladda Goboleedka Hir-shabelle ayaa loo magacaabay Zakiriye Cabdi Xaraare oo horay u ahaa Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa saacadihii la soo dhaafay la hadal hayay inuu isku shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada, hase ahaatee ugu dambeyn xafiiska Madaxweynaha waxaa ka soo baxday oo kaliya xil ka qaadista Wasiirkii Maaliyadda iyo Wasiir cusub oo loo magacaabay wasaaraddaas.

