C/wali Gaas iyo Xaaf oo Ku Kulmaya Magaalada Gaalkacyo+Dhageyso

0

Maamulka Galmudug ayaa Sheegay in Magaalada Gaalkacyo uu ka furi doono Shir Dib u Heshiisiineed oo u dhexeeya Maamulada Galmudug iyo Puntland oo ku Muransan Magaalada Gaalkacyo iyo Deegaano  ka tirsan Gobalka Mudug.

Wada hadaladaan ayaa waxaa Hogaaminaya Madaxweyne Cusub ee Gamudug Axmed Ducaale Geel Xaaf waxaan ka soo qeyb galayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Madax ka socota Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali dheere oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in uu Meel Wanaagsan marayo dadaalka Galmudug ay ugu jirto Furitaan Shirweyne Dib u Heshiisiineed oo Xal loogu Raadinayo Xiisad aan Dhamaadka la heyn ee ka jirta Gobalka Mudug.

Wasiirka ayaa ugu baaqay in Dhinacyada uu Shirkaan Quseeyo iyo Dowladad Federaalka inay Xil iska Saraanaa Furitaan Wada Nabada Gobalka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here