Magaalo xeebeedka Hobyo ee Gobolka mudug waxaa gaaray Saraakiil ka socota Qaramada midoobay kuwaasi oo isku jiray Ajnabi iyo Soomaali .
Maamulka degmada iyo madax kale ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaraha Magaaladaas, waxayna booqdeen goobo badan oo ay ka mid tahay dekada Hobyo.
Ujeedada safarka saraakiishaan ayaa lagu sheegay u kuurgalidda amniga Hobyo, oo la filayo in dhawaan laga fuliyo mashaariic farabadan.
Wafdiga ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Maamulka Galmudug ee ku sugan degmada Hobyo, waxay xubnahaaan goordhow dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.









