Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa u waramaya in halkaasi galabta iyo salaadii maqrib kadib laga maqlayay madaafiic xoogan oo ka dhacayay dhinaca galbeed ee magaalada.
Goobta madaadiicda laga maqlayay ayaa aheyd halka ay sanadkii hore ay ku dagaalameen Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Madaafiicdaan ayaa ka dambeysay kadib markii maamulka Galmudug uu isku dayay inuu furo wadada laamiga ah sida wararka ay sheegayaan ee ka xiran dhinaca Galmudug, waxaana arintaas kasoo horjeestay oo xabaad kaga jawaabay maleeshiyo beeleed wadada u xirneyd tan iyo dagaaladii Gaalkacyo kadib.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Labada Maamul ayaa sheegay in lagu howlan yihiin sidii loo xalin lahaa arinta kasoo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, gaar ahaan dhinaca Galbeed.

