Ciidamada Badda Dowladda Goboleedka Jubba-Land ayaa gacanta ku dhigay Badmaaxiyiin si sharci darro ah uga kalumeysanayay Xeebaha e Gobolka Jubada Hoose.
Ragaan oo u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Pakistaan ee qaaradda Asia ayaa la qabtay ayagoo kaluumaysi sharcidaro ah kawada meel aan ka fogeyn Jaziiradda Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya.
Guddoomiyaha degmada Badhaadhe Maxamuud Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggan ay mudo afar bilood ah si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha gobolka Jubbada hoose, maanta ay soo qabteen kadib markii ay doon la soo caarisay.


