Gudoomiyeyaashii Hore oo La Kulmay Gudoomiyeyaasha Cusub+Sawirro

0

Gudoomiyeyaashii hore ee degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa Xalay  afur u sameeyey Gudoomiyeyaasha Cusub ee Degmooyinka Gobolka Benaadir taasoo Bog cusub u furaysa sooyaalka siyaasada Soomaaliya.

kulanka afurka waxaa ka qeyb galay Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir Dhanka Arrimaha Bulshada Mudane C/laahi Cilmi Ereg, Gudoomiyayaashi hore iyo kuwa Cusub ayaa kulanka isku weedaarsaday arrimaha la xiriira Siyaasadda Soomaliya iyo sidii Gudoomiyayaasha Cusub ay talooyin wax ku ool ah ugu qaadan lahaayeen Gudoomiyayaashii Hore ee xilalka laga qaaday kuwaasi oo muddo labo sano ah xilalka hayay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here