Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa xil Cusub u magacaabay Faadumo Dayib oo kamid aheyd Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaliya doorashadii Soomaliya ka dhacday sanadkaan 2017-ka.
Faadumo Dayib oo ah Haweeney Soomaliyeed islamarkaana haysata dhalasada dalka Finland ayaa sanadkii 2016-kii ku dhawaaqday in ay u taagan tahay xilka madaxweynaha inkastoo inta aysan doorashada la gaarin ku dhawaaqday in ay isaga hartay tartanka, sababo ay ku sheegtay Musuq-maasuq.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Faadumo wakiilka Hay’adda Haweenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, sababta ayaa lagu sheegay in ay tahay Qof wax badan u dhaqdhaqaaqd aarrimaha Haweenka.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa u rajeyay Faadumo Dayib in uu ilaahey ku guuleysiiso xilka uu u magacaabay.
Dhanka kale Fadumo Dayib ayaa ka mahadcelisay xilka loo magacaabay,waxayna sheegtay in iyadoo yar Soomaliya qoyskeeda ay ka baraceen balse ayna haatan kusoo laabtay iyadoo qof weyn ah.

