Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa soo dhaweeyay heshiska Maamulkiisa iyo kan Somali-land ay shalay kuwada gaareen Magaalada Hargeysa.
Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in heshiiska lagu gaaray magaalada Hargeysa in uu ka dhigan ahay in lasoo gaba-gabeeyay khilaafkii u dhaxeeyay Maamulada Somali-land iyo Khaatumo State.
“Bilow fiican baa mareynaa wada hadalada muddo ayay soo socdeen, arrimo siyaasi la isku hayaa, xal siyaasi loo baahan yahay, ku dhiirasho loo baahan yahay, arrintan arrin culus weeye, umad dhan aayaheeda, mustaqbalkeeda iyo taariikhdeeda waa tahay in laga doodo, anaga diyaar baa u nahay, caqli iyo ximgad ayaa loo baahan yahay, Cidii fileysa in hoosta nala gelinayo, cidna marti u noqon meyno, si cad baan ku heshiineynaa oo wax aan wada leenahay ayaa dhiseynaa, ama si cad ayaa ku kala tageynaa, waxay u egtahay in si cad in lagu heshiin doono”ayuu hadalkiisa ku sii daray”,ayuu yiri Dr. Cali Khaliif Galeyr.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State Mudane Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in hadii heshiiskaan laga dhabeeyo in si deg deg ah loo heli doono aqoonsiga Somali-land mudada faraha badan ay raadineysay waa siduu hadalka u dhigee.
Shalay Maamulada Somali-land iyo Khaatumo State ayaa kuwada heshiiyay magaaAlda Hargeysa ee Caasimadda Maamulkaas, 10-ka bisha soo socota ee July ayaa lagu wadaa in magaalada Burco uu ka furmo gogol labada dhinac ku dhameystirayaan heshiiska.

