Hay’adda Cunada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobe ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano FAO iyo ururka midowga Afrika ayaa kuwada heshiiyey sidii Qaaradaan Afrika looga ciribtiri lahaa gaajada iyo xasilooni darada ka aloolsan qeybo badan oo kamid ah Qaarada.
Shir labo geesood ah oo ay wada yeesheen Agaasimaha Hay”adda FAO General José Graziano da Silva iyo agaasimaha Hay’adda dhaqaalaha iyo kobaca beeraha u qaabilsan ururka midowga Afrika Josefa Leonel Correia Sacko ayaa waxa kasoo baxay hishiiskaan qeexaya in qaarada laga saaro dib u dhaca ku keenay in abaaro ay kusoo lalaabtaan dhowr mar oo is xiga.
Labada Masuul ayaa si wada jir hoosta kaga wada xariiqey muhiimada ay leedahay nabad waarta iyo xasilooni siyaaseed oo lagusoo dabaalo daafaha qaarada, iyagoo sheegay in abaarta ay sababtay xasilooni la’aanta ka jirto qeybo badan oo kamid ah qaarada.
“Hadaad nabad heesato waxaa fursad u heesataa in aad beerato dalaga aad doonto waana hubaal abaar ma jiri laheyn afrikana looma soo gurman laheyn” Sidaasi waxaa yiri agaasimaha Hay’adda dhaqaalaha iyo kobaca beeraha u qaabilsan ururka midowga Afrika Josefa Leonel Correia Sacko.
Agaasimaha Hay”adda FAO General José Graziano da Silva ayaa ugu dambeyntii shirkaas markuu soo dhamaaday warbaahinta u sheegay in FAO ay ka go’antahay sidii Qaarada Afrika ay u noqon laheyd mid isku filan oo aynan sii ahaan mid gargaar shisheeye ku tiirsanaato.

