Wasiiro ka Tirsan Hirshabeelle oo Ka Qeyb Qaadanaya Xalinta Coladaha Baanyaaley+Sawirro

0

Magaalada beledweyne ee Caasimada Gobolka Hiiraan waxaa gaaray Wafdigan uu hogaaminaayay wasiirka arimaha gudaha maamulka hirshabelle maxamed cali caadle.

Wafdiga ayaa waxa ay Magalada  baladweyne u tageen  sidii ay uga qeyb qadan lahaayeen  Xalinta Coladaha degaanka baanyaaley ee Gobolka hiiraan,

Wasiirka arimaha Gudaha maamulka hirshabelle maxamed cali caadle oo warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka Gobolka hiiraan ayaa shegay in ay aad uga xun yihiin colaada Ka so cusboonaatay Qeybo kamid ah Gobolka hiiraan waxana uu intaa raaciyay in ay bilaabayaan wadahadlo la xiriiro sidii dagaalka lo joojin lahaa.

Dhanka kale Wasiirka dib u heshiisiinta maamulka hirshabelle Yuusuf axmed hagar dabageed  ayaa dhinaciisa sheegay u jeedka ay baladweyne u yimideen in ay tahay sidii ay uga qeyb qadan lahaayeen Xalinta colaada ka taagan Degaanka baan yaaley ee Gobolka hiiraan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here