Mooshinkii Laga Keenay Gudoomiyaha Baarlamanka Hir-shabeelle oo Laga Laabtay+Sawirro

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  Xalay hoygiisa Afur Iyo Casho Sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Mudane Cali Cabdullahi Cosoble Gudoomiyaha Gudomiyaha Barlamanka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre iyo Ku xigeenadiisa, Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka.

Casho Sharafta kadib Xildhibaanadii mooshinka ka keenay dhawaan Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dib ula laabtay Mooshinkii Ka dhanka ahaa Gudoomiyaha kadib markii uu madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Ali Guudlawe Hussein uu dhameeyay Xiisadii ka dhex taagneyd Gudoonka Baarlamaanka Iyo Xildhibaanada, waxaana la xajiiyay in hadda kadib kulamada baarlamanka uu shir gudoomin doono Gudoomiye Sheekh Cusmaan Barre.

Dhawaan Xildhibaanada Baarlamanka Hir-shabeelle ayaa shaqo joojin ku sameeyay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas kadib markii ay ku eedeeyeen in uu jabiyay  qodobo dastuuri ah oo yaalay Maamulka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here