Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qaraxa ayaa lagu qarxiyay Maqaayadda BOSH Posh Treats Oo ku Taala Xafadda Banaadir Dagmada Hodan Magalada Mogadisho.
Maqaayadda Posh Treats oo ah goob lagu caweeyo laguna Sameeyo Masaaj.
Qaraxa kadib waxaa gudaha Maqaayadda galay dagaalyahano ka tisran Xarakada Al-shabaab oo ilaa haatan ka dagaalamaya gudaha mayqaayadda sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaas ku sugan.
Saraakiisha Ammaanka Dowladda Soomaliya ayaa inoo xaqiijiyay in Qaraxa markuu dhacay kadib ay xarunta gudaha u galeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Alshabaab, balse ay goobta haatan gaareen Ciidamada amaanka Dowlada Soomaliya si ay kaga soo saaraan.
Ilaa haatan lama xaqiijijin qasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay iyo weerarka tooska ah Maqaayadda BOSH Posh Treats Oo ku Taala Xafadda Banaadir Dagmada Hodan Magalada Mogadisho

