Inta la Xaqiijiyay 10-ruux oo shacab u badan oo goobta ku caweynayay ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeen kadib markii dagaalyano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay caawa weerar ku qaadeen Maqaayadda Posh Treats oo ku Taala Xafadda Banaadir Dagmada Hodan Magalada Mogadisho.
Dadka dhintay iyo ku dhaawacmay ayaa ku sugnaa banaanka hore iyo gudaha ee Maqaayadda Posh Treats oo ku Taala Xafadda Banaadir Dagmada Hodan Magalada Mogadisho,waxaana sameeyay qaraxa loo adeegsaday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa.
Gadiidka Gurmadka deg deg ayaa gaaray goobta ay waxleelada ka dhacay si ay u qaadaan dadka ku dhaawacmay weerar-ka ee banaanka usoo baxay.
Maqaayadda Posh Treats oo ah goob lagu caweeyo laguna Sameeyo Masaaj.
Qaraxa kadib waxaa gudaha Maqaayadda galay dagaalyahano ka tisran Xarakada Al-shabaab oo ilaa haatan ka dagaalamaya gudaha mayqaayadda sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka Tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya.

