Dowladda Sacuudiga ayaa wadamado badan oo Afrikaan oo badi Muslimiin ah ugu caga-jugleeneysa in ay ka xayiri doonto aadista Xajka oo ay dowladaasi maamusho hadii ay xiriirka u jari waayaan Wadanka Qatar oo qilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo, sidaasi waxaa daawacay wargeyska kasoo baxa Faransiiska oo lagu magacaabo Le Monde.
Wargeyska ayaa lagu yiri sidaan “Boqortooyada Sacuudiga waxay cadaadis badan ku saaraysaa wadamo badan oo Afrikaan ah oo Muslimiin ah sidii ay Qatar xiriirka ugu jari lahaayeen.
Wadamadaan ayaa la sheegay in dowladda Sacuudiga ay ugu caga-jugleeneyso laba arrimood midoood, tan 1-aad oo ah in ay ka jarayso deeqda ay siiso wadamadaasi, taasi oo iska ah wax yar marka loo eego arrinta 2-aad oo diin quseyso oo ah in Xajka ay muwaadiniinta wadamadaasi ay ka mamnuuci doonto haday xiriirka u jari waayaan Qatar.
Wadamo badan oo qaarna Afrika ah Qaarka kalane Carab ah ayaa weli isku dayaayo in ay dhex dhexaad ka ahaadaan qilaafka wadamada Gacanka Carbeed,waxaana kamid ah Soomaaliya, Morocco, Algeria Tunisia, iyo Sudan.
Waxaa jira warar iyo nux nux hoose oo sheegaya in dowladda Sacuudiga Soomaaliya u balan qaaday lacag dhan $80m, si ay u jarto xiriirka Qatar, balse Soomaaliya ay iska diiday heshiiskaasi.
Sikastaba ha ahaatee Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa dadaal fara badan ku bixineyso siday ku heli laheyd xulufo fara badan oo xiriirka u jaro Qatar.
Dowladdaha Itoobiya iyo Kenyana waxay sheegeen in ay arrintaasi ka hadleen waqtigaan la joogo, waxii mowqif ay ka qaataana gadaal ay kalasoo socod siin doonaan warbaahinta.

