Magaalada Ottawa ee dalka Canada waxaa ka dhacay Kulan ay soo qaban qaabisay dowladda dalkaas iyadoo ay kasoo qeyb galeen Booliska dalkaasi iyo bulshada soomaalieed ee magaalada Othawa ku Nool iyadoo diirada lagu saarayey sidii loo wanaajin lahaa xiriirka u dhaxeeyo bulshada soomaalieed iyo booliska dalkaasi.
Waxaana kulankaan lagu soo beegay sanad kahor markii gabar soomaali Canadian ah oo lagu magaacabo Naciimo Cali ay la kulantay midab takoor kadib markii ay booliska ku wargelisay nin dhintay iyadoo arkaysa, boolisku markii uu imaadayna la xayiray dhaq dhaqaaqeeda iyadoo la weydiiyey su”aallo fara badan oo ay qaarkood ka argagaxday.
Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay taliye ku xigeenka Boooliska dalkaasi Steven Bell waxa uuna halkaasi ka sheegay in ay doonayaan in wada shaqeen wanaagsan ay dhax marto soomaalida iyo Booliska dalkaasi.
“Waxba kama ogeen dilka ruuxaas dhintay waxaase la ii qabsaday kaliya in aan ahaa qofka kaliya ee arkaayey xiligii uu dhimanaayey, markaan booliska wacayna anigaaba dambiile la iiga dhigay” ayey tiri Nimco Cali oo kamid ah qurba joogta Soomaalieed ee ku nool Magaalada Othawa ee dalkaasi Canada.
Nimco ayaa kasoo muuqatay kulankaan lagu wanaajinaayo xiriirka booliska dalkaasi iyo soomaalida halkaa ku nool, iyadoo khudbad dheer ka jeedisey waxayna khudbadeeda ku sheegtay in markay booliska aragto ay argagaxdo soona xasuusato falkii ay ku sameeyeen sanad kahor.
Kulankaan ayey dowlada Canada ku micneesay in ay dooonayaan in ay dib usoo celiyaan kalsoonida burburtay ee Soomaalida Canada ku nool.

