Wasiir Juxa:-“Maxaa Dadkaan Soomaliyeed Kala Geeyay”,+Dhageyso 

0

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in Shirka shalay ka Furmay magaalada Muqdisho uu horudhac u yahey dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameenayo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu Wasiir Juxa  tilmaamey sida loogu baahan yahay in shirkan wadatashi ey ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey iney dhaqan galinayaan go’aanada ka laga gaaro shirka.

“Maxaa dadkaan Soomaliyeed  kala geeyay,maxaan usoo kaban la’nahay,  ma siyaasad ayaan isku haynaa, ma reeraan isku haynaa, ma qabaan isku haynaa, waxaan loo baahan in arinta la fahmo, waxaa loo baahan yahay in la xasiliyo wax walba oo jira,waxa loo baahan yahay in loo diyaar garoobo waxaabaha u baahan in la xaliyo ee qilaafka jira”, ayuu yiri Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha, Xukuumada Federaalka Soomaliya Cabdi Faarax Juxa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here