Wasiirka Dastuurka oo Ka Hadlay Sababta uu u Tagay Garoowe+Dhageyso

0

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS Cabdi Xoosh Jibriil   oo gaaray Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimad gaara u leedahay tagista Puntland, madaama Punatland ay tahay hooyadda Maamul goboleedyada dalka, isla markaana ay wax badan ku kordhin karto kana saarikarto dastuurka DFS.

”Waxaan dooranay runtii inaan kusoo hormarno Puntland, sababtuna waxa weeye waa calaamadii fadaraalka waana curadkii Maamul goboleedyada Dalka, waana meeeshii lagu qaban jirey shirarka Dastuurka saas awgeed waxaa sharaf noo noqotay inaan nimadno Puntland gaar ahaan Garoowe” ayuu yiri Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Dastuurka DFS Cabdi Xoosh Jibrii iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo socda ay tagaan  xarumaha kale ee maamul Goboleedyadda dalka ka jira si ay kala hadlaan arrimaha dastuurka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here