Akhriso:-Mashaariicda ay Sacuudiga Ka Fullin Rabtay Soomaaliya ee u Baaqday Qatar Darteed

0

Dowladda Sacuudi Arabia ayaa dib u dhigi doono Mushaariic ay Soomaliya ka fulin laheyd hadii Dowladda Federaalka Soomaliya ay ku adkeysato go’aankeeda ah in aysan xiriirka u jarin Dowladda Qatar.

Mashaariicdaan ayaa Dowladda Sacuudi Arabi ay Soomaliya u balan qaaday kadib markii madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi maxamed (farmaajo) uu booqasho ku tagay dalkaas  iyadoo loo balan qaaday in dib u dhis dalka Soomaliya lagu sameyn doono.

Dowladda Federaalka Soomaliya  uu hogaamiye madaxweyne Farmaajo aaya dhex-dhaaxaad ka noqotay khilaafka wadamada Khaliifka, waxayna sheegtay in ay ka qeyb qaadanayso xasilinta khilaafkaas.

Haddaba Akhriso liiska mashaariicda ay Sacuudiga ka fullin rabtay Soomaaliya ee u baaqday Qatar darteed:

  1. Dhismaha Garoon Diyaaradeed Caalami ah, kaasoo laga dhisi lahaa Duleedka Muqdisho
  2. Dhismaha Wado ilaa 230 KM oo aan la cayimin halka laga dhisi lahaa/
  3. Dhismaha xarun cusub oo Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo la doonayo in laga dhiso banaanka Muqdisho.
  4. Dib u howlgelinta Shirkadii Diyaaradaha Somali Airlines iyo diyaarado la siinayo Soomaaliya si howshaas dib loogu soo celiyo.
  5. Dhisme iyo dayactir ilaa 6 Dekadood oo ku kala yaal qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.
  6. Mashaariic horumainta Beeraha iyo Xoolaha si sare loogu qaado wax soo saarka Soomaaliya.
  7. Mashaariic shaqo abuur oo aan tiro ahaan si rasmi ah loo cayimin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here