Hormuud Telecom Foundation oo Lacago u Qeybisay Naafada Soomaaliyeed

0

Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa deeq lacag gaarsiisay qaar ka mid ah Naafadda Soomaaliyeed kuwaas oo xaalado nololeed ay ku heystaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Dadka lacagaha ay Hay’adda ay ugu Talagashay ayaa gaarayay 500-qof oo kamid ah dadka Xaaladaha nololeed ay ku heystaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Ugu Horeyntii Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi oo Madasha deeqdaasi lagu guddoonsiinayay dadka Naafadaha ah kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in mar weliba ay garab taagan yihiin dadkaasi taagta daran ee u baahan Hiil ay u fidiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Hormuud Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi ayaa tilmaamay in Hay’adda ay deeqo gaarsiin doonto dadka oo mudan oo ku dhibaateysan Gudaha magaalda muqdisho.

Dhanka kale Gudoomiyaha awood siinta Naafadda Soomaliyeed Cabaas ismaaciil cabdi ayaa kaga mahadceliyay Hay’adda Hormuud Telecom Foundation deeqda ay soo gaarsiisay, wuxuuna ka dalabaday in sidaan oo kale deeqo loosoo gaarsiiso madaama ay yihiin dad aan lixaadkooda u dhameystirneen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here