Wararka ka imaanaya deegaanka kaxan dhaale oo u dhow Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in Maleeshiyaad kasoo jeeda dhanka Maamulka Puntland in ay Goordhaweyd halkaas ku dileen afar ruux oo xoolo dhaqato ahaa.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo goordhweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maleeshiyaadkaan ay weerar ku qaadeen dadkaan oo xoolo waraaabsanayay islamarkaana ay rasaas ooda kaga qaadeen, taasina ay keentay dhimashada dadkaan.
Waxa uu sheegay in ilaa haatan aan la ogeyn sababta ka dmabeysa in maleeshiyaadka dhanka Puntland ay arintaan u sameeyeen.
Meydka dadkaan ayaa haatan loo qaaday dhanka Magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug ee dhanka Galmudug si loogu aaso.
Falkaan ka dhacay deegaanka Kaxan-dhaale ee oo u dhow Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa sii hurinaya colaada u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug, xili maanta ay ku kulansan yihiin madaxda maamuladaas Magaalada Gaalkacyo.

