Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland Waxaa saakay ka ambabaxay Guddigii uu madaxweynaha maamulkaas C/wali Maxamed Cali Gaas u magacaabay qiimaynta khasaarihii ka dhashay weerarkii deegaanka Afurur ay ku qaadeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Guddigaan waxaa hogaaminaya Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, waxaana wasiiradda ku wehliya kamid ah, Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda Siciid MaxamedRaage, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Cabdulaahi Timacade,Wasiirka Caafimaadka Dr Cabdinaasir Cuuke iyo Wasiiru dowlaha Maaliyadda.
Degmada Carmo ee gobolka Bari oo kamid ah meelaha ugu badan ee la dhigtay dhaawacyada, ayay guddigu ku hormaridoonaa, iyagoo halkaas ku booqandoona askartii iyo shacabkii waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii Al-shaabab ay ku qaadeen deegaankaas.
Guddiga waxaa sidoo kale wehlinaya qaar kamid ah warbaahinta deeganada Maamulka puntland si ay usoo arkaan xaqiiqada halkaas ka jirta.
Madaxweynaha maamulka C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan magacaabay Guddi qiimeyn kusoo sameeya khasaarihii ka dhashay weerarkii Afurur ay ku qaadeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.

