Wariye ka tirsan Warbaahinta Dowladda Qatar oo lagu magacaabo Jaabir Al-Xamri ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudi Arabi ay Dowladda Federaalka Soomaliya usoo bandhigay lacag dhan 80-Mallion si ay xiriirka ugu jarto dowladda Qatar.
Wariyaha ayaa sheegay in Madax ka tirsan Dowladda Sacuudiga ay yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya islamarkaana madaxda dowladda Soomaliya ay kala hadlen sidii xiriirka ay ugu jari lahaayeen dowladda Qatar, islamarkaana abaalmarin ahaan loo siin doono lacag dhan 80Mallion, balse dowladda Soomaliya ay go’aankaas ay diiday.
“Dowladda Soomaliya waxaa loo balan qaaday lacag dhan 80-Mallion si ay xiriirka ugu jarto dowladda Qatar, madax ka tirsan dowladaha Soomaliya iyo Sacuudiga ayaa kulan wada qaatay,balse dowladda Soomaliya way ka hor timid go’aankas, waxayna go’aansatay in ay dhex-dhaxaad ka noqoto xisaadda”,ayuu yiri wariyaha.
Dhawaan Dowladda Sacuudi Arabia ayaa diiday in ay dhaqaalo siiso wadanka Soomaliya, iyadoo sharuud ugu dhigtay dhaqaalo siinta in xiriirka loo jaro Dowladda Qatar.


