Munaasabadaani xariga looga jarayay maxkamada wareegta ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ka dhacday Magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaliya
Xaflada waxa ka qeyb galay Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Axmed Cali Daahir Gudoomiyaha sare ee maxkamada dalka, waziirka cadaalada, mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adda hormarinta mashaariicda QM u qaabilsan Soomaaliya ee loosoo gaabiyo UNDP, Taliska Ciidamada Asluubta iyo waziiro ka tirsan maamul goboleedyada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug Koonfur Galbeed soomaliya iyo Juba-land.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf oo ka Hadlay kulanka ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay dhismaha maxkamada wareegta ay tahay in shacabka ku nool gobolada dalka gaar ahaan deegaannada iyo degmooyinka dhawaan laga saaray Al-Shabaab aysan ka jriin Maxkamad la gaarsiiyo adeegga garooska dalka .
Dhanka kale Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr.Axmed Cali Daahir ayaa isna sheegay in ay muhiim tahay hirgalinta maxkamada wareegta madaama qaar kamid ah gobolada dalka soomaliya aysan ka jirin Maxkamad,
Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jir ayaa dhankiisa Tilmaamay in wasaarada cadaalada xukuumada soomaliya ay soo dhaweynayso in Gobolada dalka soomaliya la Furo Maxkamada wareegta,

