Dhageyso: Maamulka Isbitaalka Magaalada Beledweyne oo ka Warbixiyay Dhaawacyo la keenay Isbitaalka

0

Maamulka isbitaalka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ka warbiyay dhaawacyo la dhigay isbitaalka weyn ee degmada Baledweyne kadib markii saakay aroorrtii dagaal xoogan uu ka dhacay Magaalada,

Agaasimaha isbitaalka Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Axmed Maxamed Khaliif oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhaawacyo gaaraya 23-qof in la dhigay isbitaalka Magaalada Beledweyne isagoona Tilmaamay in ay ku Howlan Yihiin la tacaalida xaaladahooda caafimaad,

Dhanka kale Gudoomiyaha  Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafoow  oo dhankiisa la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Magaalada Beledweyne ay ku Howlan Yihiin xalinta colaada iyo dagaalka ka dhacay Galbeed Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Gudoomiye Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafoow   waxa uu sheegay in ciidamo ka Tirsan dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom in ay gaari doonaan goobaha dagaalada ay ka dhaceyn si loo kala dhaxgalo Beelaha dagaalamay,

Halkaan Hoose ka dhageyso codka agaasimaha Isbitaalka 

Codka Gudoomiyaha  Magaalada Beledweyne

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here