Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo Ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab oo daacad u ah kuwa daacish ayaa soo buux dhaafiyay Degmada Ceelwaaq,
Dadka deeganka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saakay aroortii degmada Lagu arkay ciidamada ka Tirsan kuwa al-shabaab oo wata gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duban,
Dhanka kale saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka Hadlaan ciidamada la sheegay in ay daacad u Yihiin kooxda daacish ee ka Tirsan al-shabaab ee saakay soo buux dhaafiyay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka soomaliya,
Mudooyinkii dambe Gobolka Gedo waxaa ka jiray dagaal iyo colaad u dhaxeysay saraakiil ka Tirsan xarakada al-shabaab madaama garab ka mid ah al-shabaab uu ku dhawaaqay in uu ku biiray kooxda daacish ee ciraaq iyo Syria ka dagaalanta


Msh allh so dhawaada