Shirka loogu Hadlaayo Barnaamijka Hiigsiga Sanadka 2016-ka oo Maanta ka Furmaya Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Maanta Lagu Wadaaa in Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane uu ka Furmo shirka loogu Hadlaayo Barnaamijka hiigsiga sanadka 2016-ka ee dhanka iyo doorashooyinka.

Shirka oo shalay lagu balansanaa in uu Furmo ayaa baaqday kadib markii la sheegay in qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamulka Goboleedyada dalka ka jira aysan wali soo gaarin Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya.

Shirka waxaa ka qeyb Galaya Madaxda dowlada soomaliya, madax ka socota beesha caalamka, Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, juba-land, Galmudug, iyo koonfur Galbeed soomaliya.

Warar soo baxaya ayaa Tilmaamaya in qilaaaf uu ka jiro sida ay Noqon doonto doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka iyadoona Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo juba-land ay sheegeen in aysan xiligaan habooneen in dib loogu laabto nidaamkii 4.5

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here