Al-shabaab oo Soo Bandhigay Meydadka Rag ay Sheegeen in ay ka Tirsanaayeen Ciidamada dowlada Soomaliya + Sawiro

1

Xarakada al-shabaab ayaa soo Bandhigtay  sawirada meydad  ay sheegeen in ay ka Tirsanaayeen Ciidamada dowlada soomaliya ee degmada diinsoor ee Gobolka Baay.

Goobta Lagu bandhigay raga ay al-shabaab sheegeen in ay ka Tirsanaayeen ciidamada dowlada soomaliya ee Gobolka Baay waxaa soo xaadiray Saraakiil ka Tirsan ciidamada al-shabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool iyagoona sheegay in Raga maanta lasoo bandhigay in Lagu dilay dagaalo ka dhacay maalmihii dambe Gobolka Baay gaar ahaan degmada Diinsoor,

Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan ciidamada al-shabaab oo goobta ka Hadlay ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay kula jiraan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom ee ku sugan Gobolada Bay iyo Bakool,

20151210_173420-1-640x480 20151210_170618-1-640x480 20151210_165044-1-640x480 20151210_173840-640x480 20151210_173837-1-640x480

 

 

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here