Akhriso:-Askari Fashiliyay Saraakiil Dowladda oo La Khaarijin Lahaa+Magacyo iyo Sawirro

0

Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya  ee Gobolka Hiiraan ayaa shalay galinkii dambe soo bandhigay  Askari ka tirsan ciidamada Milliteriga ee ka howlgala Gobolkaas  kaa oo ay Al­-shabaab kula heshiiyeen inuu Khaarijiyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada iyo AMISOM., balse kaga baxay balankii lala galay.

Askariga lasoo bandhigay oo magaciisa aan la shaacinin ayaa watay qaraxyo loogu talagalay sida la sheegay in lagu qaarijiyo Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa midowga Afrika AMISOM ee ka Howlgala Gobolka Hiiraan.

”Waxaa isoo wacay ruux ka tirsan Al­shabaab waxa uu i weydiiyay Su’aaloay kamid ahaayen inaan awoodo tagista Xarumaha Ciidamada Xooga, kuwa Ethiopia iyo Jabuuti, anigoo aan dareensiin wadaniyadeyda aan kudifaacayo Qaranka ayaan ku iri waan awoodaa inaan tago dhamaan xarumahaasi waxa uu igu yiri waxaa tahay shaqsiga keliya ee aan ubaahanahay ee howsheena fulinkara”.ayuu yiri askarga lasoo bandhigay.

Sidoo kale Askariga lasoo bandhigay ayaa sheegay in Saraakiisha ka Tirsan Xarakada Al-shabaab  ay u sheegeen in 50-askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya oo dagaalka lagu dilay ay kaga wanaagsan tahay dhankooda 1-askari amisom oo dagaalka Lagu Dilo.

”Magacyo ayuu ii qoray oo ah saraakiisha ay rabaan in qaraxan lagu dilo, waxaa ka mid ahaa Col Xassan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti iyo Jen. Towane Axmed Gure oo ay taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan”,ayuu hadalkii ku daray Askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya.

https://www.facebook.com/SomaliNetwork/videos/1906147856313081/

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here