Xildhibaan Cumar Buraale oo ka tirsan Baarlamaanka Jubb-aland ayaa Sheegay inay soo dhaweynayaan Qorshaha Madasha Siyaasadeed ee ay ku dhawaaqeeyn Xildhibaanada oo hogaaminayo Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo la aamisan yahay in ay ka soo horjeedo Siyaasada Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaan Buraale ayaa Sheegay Xildhibaanada ay Xaq u leeyihiin ay ka doodaan dhismaha darab Siyaasadeed ka yimaada Golayaasha Baarlamaanka oo si dhab ah ula Xisaabtamaan Madaxweynaha, Golaha Xukuumadda iyo Guddiga Baarlamaanka dalka si loo ilaaliyo gaabis ku yimaada Howlaha Qaranka.
Dhawaan Magaalada Muqdisho shir Jaraaid ay ku qabteen Xildhibaanada ku midoobay dalada Horu-socod ayay ku sheegeen in ujeedkooda uu yahay sii loo sixi lahaa qaladaadka Dowladda Soomaliya.

