Maamulka Dagmada Kaxda ee Gobalka Banaadir ayaa ka hadlay dad saacadahii ugu danbeeyey ku geeriyooday dagmadaasi kuwaas oo u badan Caruur iyo Haween.
Gudoomiyaha Kaxda Maxamed Ismaaciil oo la hadlay Idaacada ayaa Sheegay in dad faro badan oo isku jira Caruur iyo Haween ay saacadihii ugu danbeeyey ay ugu geeryoodeen Cudurka Jadeecada oo ka dilaacay dagmadaasi.
Gudoomiyaha Kaxda ayaa ka dayriyey Xaalada ay ku Sugan yihiin dadka danyarta ah eee ku nool dagmadaasi waxaan ku baaqay gargaar caafimaad ooo deg deg ah la gaarsiiiyo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

