Cali Seeko : Dowlada Soomaliya Way ku guul dareysatay Qaabkey u Wajihi Laheyd Doorashooyinka + Dhageyso

0

Siyaasi Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko oo kamid ah siyaasiyiinta soomaliyeed ayaa ka Hadlay shirarka hiigsiga sanadka 2016-ka oo mudooyinkii dambe lagu qabanayay Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya,

Cali maxamuud faarax Cali seeko waxa uu sheegay in aysan waxba soo kordhin doonin shirarka loogu Hadlaayo Barnaamijka hiigsiga sanadka 2016-ka isagoona Tilmaamay in dowlada soomaliya uu Madaxda ka Yahay Xasan sheikh Maxamuud ay ku Fashilmatay qaabkey u wajihi laheyd doorashooyinka dalka soomaliya ka dhaca sanadka 2016-ka.

Waxa uu sheegay Cali Seeko in dowlada soomaliya oo xiligaan ah mid Federaal ah ay awoodi weysay in ay wax ku darto wixii ay keeneen dowladihii Kmg-ga dalka soomaliya soo maraya sanadihii dambe,

Dhanka kale  Siyaasi cali maxamuud faarax Cali seeko waxa uu sheegay in dowlada soomaliya ay mar walba ku xiran Tahay beesha caalamka taasina aysan u suurta Galin Karin in ay go’aan  ka gaarto doorashada dalka soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka

Halkaan Hoos ka dhageyso Codka 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here