Warar Idaacadda Simba ay ka heshay degmada Walan-weyne ee G/Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo shalay laga saaray magaalada muqdisho ay dhac baahsan u geysteen goobo ganacsi oo ku yaalla degmadaasi.
Ciidanka ayaa la sheegay in xilliga ay dhaca geysanayeen ay la socdeen madax ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la sheegay inay galbinayeen ciidanka falka dhaca ah geystay.
Dadka deegaanka iyo ganacsatada ayaa la fajacay falkan,waxaana ay sheegeen in arintan mid la mid ah wali aysan uga dhicin degmadaasi,mana jiro wax dhaq-dhaqaaq ganacsi ah oo xalay illaa Saaka ka jira degmada Wanla-weyn sida uu Idaacadda Simba u sheegay Nabadoon Buulle Cismaan Maadoow oo ka mid ah waxgaradka halkaa ku nool.
Dhinaca Kale Idaacadda Simba waxay la xariirtay masuuliyiinta Maamulka Gobolka Sh/hoose,waxaana xubno ka mid ah ay xaqiijiyeen wararka sheegaya in ciidanku ay dhaca geysteen,walina ay wadaan tira-koob ku aaddan waxyaabaha ay dhaceen.
Ciidanka milatariga ah ee dhaca ka geystay degmada Wanla-weyn ayaa ka tirsanaa ciidamo laga saaray magaalada Muqdisho oo khamiistii gadood ciidan ka sameeyey xarunta wasaaradda gaashaan-dhigga ee magaalada muqdisho kadib markii ay sheegeen inaysan helin wax mushaaraad ah.

