Dowlada Iiraan oo Gar-gaar biniaadanimo ugu Talagashay dadka kasoo Labanaya Xeryaha Qaxootiga dalka Kenya

0

Dowlada wadanka Iiraan ayaa sheegtay in ay  gurmad Gargaar u fadhin doonto dadka soomaliyeed ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga dalka Kenya,

Madaxa Hay’ada Bisha cas ee dalka Iiraan Muxsin oo la Hadlay warbaahinta dalka Iiraan ayaa sheegay in dowlada wadanka iiraan ay ugu Talagashay gargaar Biniaadanimo dadka kasoo laabanaya Xeryaha qaxootiga dalka Kenya iyadoona deeqaha gargaarka loosoo marin doono Hay’ada bisha cas ee dalka Iiraan.

Xeyaha qaxootiga dalka Kenya sida dhadhaab, kaakumaa iyo Ifo iyo kuwa kale  waxaa ku jira dad aad u Fara badan oo soomali ah kuwasoo ka cararay colaadihii ka jiray soomaliya sanadihii dambe,

Dhawaan ayay aheyd markii Dowlada soomaliya iyo Hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobe ee UNHCR ay  kala saxiixdeen heshiis ku aadan in dib loosoo celiyo dadka soomaliyeed ee wali ku jira xeryaha Qaxootiga dalka Kenya

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here