Dowlada wadanka Iiraan ayaa sheegtay in ay gurmad Gargaar u fadhin doonto dadka soomaliyeed ee kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga dalka Kenya,
Madaxa Hay’ada Bisha cas ee dalka Iiraan Muxsin oo la Hadlay warbaahinta dalka Iiraan ayaa sheegay in dowlada wadanka iiraan ay ugu Talagashay gargaar Biniaadanimo dadka kasoo laabanaya Xeryaha qaxootiga dalka Kenya iyadoona deeqaha gargaarka loosoo marin doono Hay’ada bisha cas ee dalka Iiraan.
Xeyaha qaxootiga dalka Kenya sida dhadhaab, kaakumaa iyo Ifo iyo kuwa kale waxaa ku jira dad aad u Fara badan oo soomali ah kuwasoo ka cararay colaadihii ka jiray soomaliya sanadihii dambe,
Dhawaan ayay aheyd markii Dowlada soomaliya iyo Hay’ada Qaxootiga Qaramada Midoobe ee UNHCR ay kala saxiixdeen heshiis ku aadan in dib loosoo celiyo dadka soomaliyeed ee wali ku jira xeryaha Qaxootiga dalka Kenya

