Kheyre:-“Waxaan La Qabsanay Inan Aragno Xaqdaro oo aan Ka Aamusno”,

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre  ayaa sheegay in madaxdii  hore ee dalka soo maray ay ku sifoobeen in ay arkaan waxyaabaha xaqdarada ah ee dalka ka jira islamarkaana ay ka aamusaan.

Raisulwasaare Kheyre ayaa tilmaamay in Xukuumadda uu hogaamiyo aysan qaadi doonin dariiqadii ay qaateen madaxdii hore, islamarkaana ay ka hadli doonaan waxyaabaha xaqdarada islamarkaana ay aqbalaan waxyaabaha qaladaadka ah.

“Waxaan la qabsanay inan aragno xaqdaro oo aan ka aamusno,waxaan caadaysanay inaan aqbalno khaladadka aan sameyno,Xukuumadda aan hogaamiyo marnaba uma dulqaadan doonto arintaas”, ayuu yiri Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here