Xiriirka dalka Spain ee Administrative Tribunal for Sport (TAD) ayaa kooxda Real Madrid ka diiday isku daygii labaad ay ku dooneysay in ay racfaan ay kaga qaadato ganaaxii laga saaray koobka Copa del Rey.
Kooxda Real Madrid ayaa dhawaan laga saaray koobka Copa del Rey kadib markii ay ciyaarsiisay xidiga reer Russia Denis Cheryshev kasoo horey kaga ganaaxay koobkaan madaama Jalaayaal badan uu qaatay waayihiisa kooxda Villarreal,
Xiriirka (TAD) ayaa sheegay in aysan marbana aqbali doonin waxa ay sameeyeen kooxda Real Madrid oo ku aadan in ay dheelsiisay xidig Horey Jaalayaal u qabay,

